Xiddigo muhiim ah oo ka maqnaan doono kooxda Barcelona kulanka ay wajahayaan Deportivo Alaves

CIYARAHA

Saxaafada gudaha dalka Spain ayaa daaha ka qaaday xaalada kooxda Barcelona kahor kulankooda ugu dambeeya horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan ay ku booqan doonaan naadiga Deportivo Alaves Estadio Mendizorroza.

Macalin Quique Setién iyo wiilashiisa ayaa waxay si rasmi ah u lumiyeen fursadii ay ugu guuleysan lahaayeen horyaalka La Liga ee dalka Spain xilli ciyaareedkan 2019/2020, maadaama ay ku guuleysatay kooxda ay xilfaltamaan ee Real Madrid.

Kaliya maahan in Real Madrid ay guul ka gaartay kooxda Villarreal kulankii la soo dhaafay, balse Barcelona ayaa guuldarro ka soo gaartay naadiga Osasuna iyadoo ku sugan garoonkeeda Camp Nou, kaddib markii loogu awood sheegtay 1-2.

Haddaba waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in xiddigaha Gerard Piqué, Junior Firpo, iyo Ivan Rakitić ay kaga maqnaan doonaan safka kooxda Barcelona kulanka barri ee Deportivo Alaves, sababa la xiriira ganaax.

Sidoo kale waxaa seegi doono kulanka barri ee Deportivo Alaves saddexda xiddig reer France ee Samuel Umtiti, Ousmane Dembélé iyo Antoine Griezmann.

Maanta TV

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *